Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa howgal ciidamada dowladda maanta ka sameeyeen xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Baaritaan weyn ayaa ka dhacay Villa Somalia kadib markii laga shakiyay inay gudaha ku jiraan laba ilaa saddex askari oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Alshbaab, waxaana la xiray ilaa saddex askari.
Ilo ku sugan Madaxtooyada ayaa sheegay in ilaa saddex askari lagu qabtay howlgalka oo la qaaday kadib markii laga war helay askar ka tirsan ciidamada madaxtooyada oo la shaqeeya Alshabaab, kuwaasoo qorsheynayay falal amni darro ah.
Xaaladda ayaa kacsaneyd madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la arkayay feejignaan dheeri ah iyo howlgallo ay wadaan ciidamada ilaalada madaxtooyada. Waa markii ugu horeysay ee gudaha madaxtooyada uu ka dhaco howlgal noocan oo kale ah.
Ma jiro wax faafhaahin ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya iyo laamaha ammaanka oo ku saabsan waxa ka dhacay howlgalka xarunta looga taliyo dalka.
Goobjooge.com