Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirar iyo kulamo iska horjeeda oo ku saabsan kalsooni siinta xukuumadda Soomaaliya, kadib diidmo ka timid qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka.
Wasiirada la magacaabay ayaa bilaabay inay taageero ka raadsadaan xildhibaanada ay isku heybta yihiin, wasiir kastana waxaa laga rabaa inuu la yimaado ugu yaraan 2 ilaa 3 cod.
Xildhibaano u badan beesha Digil iyo Mirifle ayaa olole weyn ka wada Muqdisho iyagoo doonaya inay kalsoonida weyso xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre. Waxaa kaloo beelaha xildhibaanadooda laga dareemay inay ololahan ku jiraan ka mid Beesha Xawaadle.
Labadan beelood oo ugu badan xildhibaanada ka horjeeda kalsooni siinta xukuumadda cusub ayaa qolo waliba ku doodeysaa arrimo u gaara. Dooda beesha hore ayaa waxaa ugu weyn inaan la siin wasaarado nafci fiican leh, lagana wareejiyay wasaaradii maaliyadda, halka beesha labaad ay doodeedu tahay in awood qeybsiga beesha dhexdeeda lagu xad-gudbay.
Goobjooge.com