Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd Caawa uu qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa Gaari lagu xiray Qarax ayaa ka dhacay agagaarka KM4, gaar ahaan Tareebiyo, wuxuuna ahaa qarax culus oo laga maqlay qeybo badan oo caasimadda ka mida.
Goobta qaraxa ka dhacay ayaa waxaa xiray ciidamada dowladda, iyadoo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayana inuu qaraxu dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…
