Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintay, iyadoo in ka badan 20 kale ay ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo maanta duhurkii maanta ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari Caasi DAINA ah oo waday khudaar, kaasoo lagu dhuftay afka hore ee Xarunta Degmada, waxaana xilligaasi xarunta degmada ku sugnaa mas’uuliyiin iyo ciidamo.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in dad badan oo ku sugnaa suuqa Wadajir oo loo yaqaan suuqa weyn ay wax ku noqdeen qaraxa oo gebi ahaan burburiyay xaruntii degmada Wadajir iyo dhismooyinkii ku dhowaa.
Qaraxa ayaa ruxay degmada Wadajir, iyadoo lagu soo beegay xilliga ugu mashquulka badan, waxaana weli socda gurmadka dadka ku waxyeeloobay, iyadoo laga cabsi qabo in qasaaraha uu sii kordho.
Warar kala duwan ayaa sheegaya inuu qaraxa ku dhaawacmay guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan oo ku sugnaa xarunta markii uu qaraxa dhacay.
Goobjooge