Tuesday, June 24, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Qarax ka dhacay Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay in ka badan 15 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray qarax weyn oo saaka ka dhacay Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo guud ahaan ruxay caasimadda ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, oo lagu weeraray dhismaha Waaxda Canshuuraha Dekadda oo ay ku sugnaayeen dadweyne isugu jira xamaali fara badan oo dekadda u shaqo taga iyo dad ku ganacsada.

Qasaaraha qaraxa ayaa laga cabsi qabaa inuu sii kordho, sida ay ku warameen gaadiidka gurmadka degdegga ah oo halkaasi ka qaaday dad isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka Dekadda Muqdisho ayaa la sheegay inay hakiyeen shaqadii dekadda Muqdisho iyadoo ciidamada ammaankana ay xayireen isu socodka wadooyinka gala dekadda oo ciidamo fara badan la geeyay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON