Monday, July 14, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Sarkaal Sare oo lala beegsaday

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd Qarax ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4.

Qaraxa oo ahaa miino jidka la dhigay meel u dhow barta Koontaroolka Garoonka Diyaaradaha ee KM4, waxaana la sheegay in lala beegsaday sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska oo magaciisa lagu sheegay Gaashaanle Maxamed Daahir Cabdulle oo ah taliyaha askarta ilaalada xaruaha dowladda.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in sarkaalka qaraxa lala beegsaday uu ka badbaaday, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex askari o ilaalo u ahayd taliyaha, iyadoo midkood la sheegay inuu xaalkiisu liitay.

Sarkaalka la beegsaday Col. Maxamed Daahir ayaa hor u soo noqday Taliyaha Sladhigga Hodon iyo Qeybta Weliyow Cadde.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON