Thursday, July 17, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Qarax labaad oo ka dhacay magaalada Muqdisho & Rasaas xoog leh oo socota

Qarax labaad ayaa ka dhacay agagaarka Madaxtooyada magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Ceelgaabta ee loo yaqaan MCH-ka Ceelgaab oo laga ilaaliyo Madaxtooyada iyo Hotelka SYL.

Qaraxa danbe ayaa yimid markii ciidamada ka warheleen gaari goobtaasi yaallay oo ay dadka ka ceyriyeen goobta, waxaana kadib dagaal toos ah dhex maray dabley loo maleynayo Alshabaab iyo ciidamada amniga halka loo yaqaan Isgoyska Umbulutooriyadda Degmada Xamar Jajab, meel ku dhaw Koontaroolka Ciidanka ay joogaan ee Beerta Nabadda.

Qarixii koowad oo ahaa Gaari ku qarxay derbiga SYL, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in rasaastii socotay ay yaraatay kadib qaraxa labaad, waxaana la sheegay in ciidamada ilaalada madaxtooyada ay u muuqato inay ka hortageen weerar xoog leh oo qorsheysnaa, kasoo ku socoday Hotelka SYL oo muddo saddex jeer ah hore loo weerarray.

Askar ka tirsan ciidamada Militariga ayaa dhintay oo markiiba ay toogteen ragga hubaysan, sida ay sheegeen dadka degaankaasi ka dhow, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON