Monday, July 14, 2025

Wararkii ugu danbeeyay shir xasaasi ah oo caawa u socda Ra’iisal wasaare Kheyre & Madaxda Ahlu suna

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu shir xasaasi ah caawa u socdo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda Ahlu suna ee ku sugan Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku jira isku daygiisii ugu danbeeyay ee uu ku badbaadinayo wadahadalkii u furmi lahaa Galmudug iyo Ahlu suna, isagoo ka dhaadhicinaya inay ka tanaasulaan shuruudo badan oo ay wateen.

Shirka ayaa si gaara u dhex maraya Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha Ahu suna Sheekh Maxamed Shaakir oo uu wehliyo Sheekh C/risaaq Cali Mire oo hore u ahaa guddoomiyihii guddiga fulinta Ahlu suna oo wadahadalka dib uga soo biiray.

Ahlu suna ayaa kala dirtay guddigii wadahadalka ee ay hore u magacawday, waxaana hadda socda kulamada ay yeelanayaan madaxda dowladda Federaalka iyo madaxweynaha Ahlu suna iyadoo qodobka ugu weyn ee la isku hayo uu yahay awood qeybsiga labada dhinac.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON