Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdigiisa ay saaka ku wajahan yihiin magaalada Qordho ee Gobolka Bari.
Wafdiga Farmaajo ayaa safar dhinac dhulka ah uga baxaya magaalada Garowe, iyadoo la sheegay inuu qaadan doono muddo ku dhow laba saacadood, waxaana ku wehlin doona madaxdweynaha iyo madaxda Puntland.
Magaalada Qardho ayaa laga dareemayaa soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya iyagoo lagu xardhay calanka Soomaaliya, dadka magaaladuba isu diyaariyeen soo dhoweyntiisa.
Ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha iyo ciidamo cusub oo Puntland leedahay ayaaa loo diray magaalada Qardho, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada, iyadoo lagu wado inuu madaxweynaha uga sii gudbo magaalada ganacsiga ee Boosaaso.