Friday, April 26, 2024

Golaha Wasiirada Puntland oo ka shiray weerarka Somaliland & Gaas oo Digiin culus soo saaray

Golaha Wasiirada maamulka Puntland oo caawa shir degdeg ah ka yeeshay xiisada colaadeed ee ka taagan gobolka Sool ayaa soo saaray digniin ku saabsan dagaalka ay Somaliland ku soo qaaday aagga Tukaraq.

Madaxwaynaha Puntland oo  shirka kadib saxaafadda la hadlay ayaa Soomaaliland ku eedeyey inay wareer ku soo qaadeen xilli Puntland ku mashquulsaneyd soo dhowaynta Madaxwaynaha Soomaaliya, taasina ay caddeyn u tahay sida  Somaliland uga go’an tahay la dagaalanka midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Madaxwayne Gaas waxaa uu sheegay in Puntland ay ku mashquul ku tahay la dagaalanka argagixisada iyo dib u dhiska dalka, aysana diyaar u ahayn  dagaal iyo dhiig Soomaaliyeed oo daata, laakiin wuxuu dhinac kale sheegay in in Puntland is difaaci doonto si ay u ilaaliso midnimada iyo wadajirka reer Puntland.

Ad

Wuxuu Somaliland uga digay inay  cawaaqib xumo kala kulmi doonto duullaanka ay soo qaaday,  ayna degdeg u heli doonto jawaabta ku haboon isagoo shacabka iyo qurba joogta ugu baaqay in ay taageeraan ciidamada oo ku garab istaagaan difaaca dadka iyo dadkooda.

Dalalka deriska ah iyo beesha caalamka ayuu madaxweyne Gaas ku wargeliyey in Somaliland mas’uul ka noqon doonto cawaaqib xumada ka imaan doonta wax uu ugu yeeray duullaanka qaawan ee ay ku soo qaadeen degaanka Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON