Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay caawa weerar ku qaadeen bar ay fadhiyaan ciidamada amniga caasimadda, ee degmada Heliwaa.
Dagaal culus ayaa ka dhex qarxay dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ee fadhigoodu ahaa agagaarka Isgoyska SOS, waxaana dadka degaanka ay ku soo warrameen in hub culus ay labada dhinac is weydaarsadeen, iska hor imaadkuna uu socday muddo mudo daqiiqado ah.
Wararkii ayaa sheegaya in Alshabaab ay weerarka ku soo beegeen xilligii lagu jiray salaada maqrib, waxaan goobta gaaray ciidamo gurmad ah, iyadoo ay gebi ahaan xirantay wadadda dheer ee Muqdisho iyo Balcad, isla markaana dadka degaankaasi ay guryahooda ku xeroodeen.
Dagaalka ayaa markii danbe istaagay iyadoo maleeshiyadii Alshabaab la sheegay inay dib u gurteen, waxaana la sheegay inuu dagaalku dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac ah.