Monday, July 14, 2025

WARARKII UGU DANBEEYAY: Weerarka Munich, Germany kala soco halkan [SAWIRRO & VIDEO]

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday rasaas ay ka dhacday xarun ganacsi laga dukameysto oo ku taala magaalada Munich ee dalka Jarmalka,

gaar ahaan degmada lagu magacaabo Moosach.

Warbaabinta Jarmalka ayaa sheegtay in lix qof lagu dilay weerarka oo hadda u muuqda inuu noqonayo weerar argagixiso

Ciidamo fara badan oo Boolis ah ayaa goobta la geeyay, waxaana socda howlgal ciidan sida laga soo xigtay Booliska Jarmalka.

Ciidamada ayaa gebi ahaan go’doomiyay degaankaasi, waxaana la xiray wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa. Wararka qaar ayaa sheegaya in dabley dhowr ay weerarka ku qaadeen xarunta. Diyaarado helikobtar ah ayaa lagu arkay degaankaasi, waxaana loo diiday dadka ku sugnaa halkaasi inay dibadda u baxaan.

Munich-attack

Qasaaraha weerarkan  oo weli socda ayuu Boolisku xaqiijiyay inay dad dhowr ah ku dhinteen, qaar kalena ku dhaawacmeen.

Video qof goobta ka dhowaa uu duubay ayaa muujinaya rasaas lagu ridayo dadka xarunta ka ag dhowaa iyo dabley, dadka xarunta ganacsiga ku jiray ayaa weli ku xayiran.

DAAWO

Booliska ayaa uga digaya dadka inay u dhowaadaan goobaha caamka ah, waxayna kula taliyeen inay guryahooda ku sugnaadaan.

Waxaa la xiray tareenada dhulka hoostooda mara, waxaana takaasida lagula taliyay inaysan cid rakaab ah qaadin, waxaa kaloo Booliska ay dadka kula taliyeen inay wax sawirro ah la soo gelin baraha bulshada ku xiriirto.


Munich4

SAWIRADA WEERARKA KA DAAWO HALKAN

WAR CUSUB

DAD goobjoogayaal ah ayaa laga soo xigtay inay arkeen saddex qof oo dabley ah. Booliska Munich ayaa bartooda Facebook ku sheegay inay la ogeyn dadka waxyeeladu gaartay tiradooda ee weerarka wax ku noqday.

Ma jiraan cida la qabtay oo ka tirsan dableyda, waxaana socda howlgalka Booliska… Booliska ayaa dadaal ugu jiray inay dadka ka daadgureeyaan xarunta ganacsi iyo agagaarkeeda…

Ciidamada gaarka ah ee Jarmalka ayaa la geeyay xarunta Ganacsiga ee weerarka ka dhacay, waxaana weli socda howgalka iyadoo aan horumar laga gaarin dableyda weerarka geysatay.

Idaacadda dowladda ee JarmalkaBayerischer Rundfunk ayaasoo werisay in lix qof lagu dilay  toogashadii ka dhacday magaalada Munich..


Booliska Jarmalka ayaa xaqiijiyay in weerarka dableyda hubeysan ku qaadeen magaalada Munich lagu dilay lix qof. Afhayeenka Booliska Magaalada Munich ayaa sheegay inay la baadi goobayo saddex dabley ah oo weerarka ka dambeysay.

Dad dhowr ah ayaa ku dhaawacmay weerarka… Booliska waxay sheegeen inaysan jirin ilaa iyo hadda wax dableyda weerarka soo qaaday la xiriirinaya inay yihiin mintidiin islaami ah.

Tirada dhimashada oo korortay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarka lagu qaaday Magaalada Munich, waxayna Booliska soo weriyeen in tirada dhimashada ya gaartay 9 qof, iyadoo la helay meydkii 9aad waxaana la baarayaa meydadka la helay inay yihiin dad rayid ah iyo dableyda weerarka qaaday.

Xaalad degdeg ah

Magaalada Munich ee dalka Jarmalka oo weerar hubeysan ka dhacay ayaa lagu dhawaaqay in xaalad degdeg lagu soo rogay, iyadoo weli howgalku socdo isla markaana dableyda weerarka qaaday aan faraha lagu heynin.

Masaajidyada magaalada Munich ee weerarku ka dhacay ayaa ku dhawaaqay albaabada loo furay, waxaana loogu baaqay dadka aan heysan meel ay u hoydaan inay aadi karaan, sida ay shaacisay jariirada islaamiga ee Jarmalka Islamische Zeitung.

Dad badan ayaan heysan caawa meel ay u hoydaan kadib markii la joojiyay dhammaan gaadiidka iyo isu socodkii magaalada Munich kadib weerarka.

Golaha Ammaanka Jarmalka ayaa lagu dhawaaqay inuu beri shir degdeg ka yeelanayo weerarka Magaalada Munich, iyadoo ay ka qeyb geli doonto Ra’iisal wasaaaraha dalkaasi Angela Markel iyo wasiirada xukuumadeeda.

Booliska Jarmalka ayaa sheegaya in nin 18 sano jir uu ka danbeeyay weerarka Munich, oo kasoo jeeda dalka Iiraan, kaaso degan magaalada, isla markaana uu is dilay kadib markii uu toogtay 9 ruux.

Waxaa hore Boolisku u sheegay in ilaa saddex dabley ah ay ka dambeeyeen, taasoo hadda u muuqata inay isbedeshay, waxaana dib u furmay isu socodkii magaalada, waxaana xaalada ay hadda dib ugu soo laabaneysaa caaadi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON