Tuesday, June 24, 2025

Wararkii ugu danbeeyay xaalada Xildhibaan Qarax lagu dhaawacay & Muuqaaladda Gaarigiisa oo gubtay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay Qarax caawa lala beegsaday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Gaari uu la socday lagu qarxiyay agagaarka Tiyaatarka Qaranka, magaalada Muqdisho.

Qaraxa loo adeegsaday waxyaabaha qarxa oo ka xoog badan kuwii hore loo arki jiray ayaa loogu xiray Gaariga xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ahaa Toyota Hilux, kaasoo keenay inuu gaariga gubto qeybta dhexe ee dadku raacaan, waxaana qabsaday dab xoog leh, iyadoo uu ku dhintay darawalkii xildhibaanka, halka uu dhaawac culus ka soo gaaray xildhibaanka.

Dhaawaca xildhibaan Maxamed Mursal Boorow ayaa la dhigay isbtiaal Digfeer ee magaalada Muqdisho, iyadoo xaaladiisa ay tahay mid aad u culus, waxaana la tacaalaya dhaqaatiirta, iyadoo laga deyrinayo.

No automatic alt text available.

Image may contain: 1 person, standing


 

 

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON