Sunday, July 6, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Xaaladda magaalada Muqdisho & Ciidamada Ammaanka oo heegan la geliyay

Xaaladda magaalada casimadda ah ee Muqdisho ayaa saaka degan, iyado heegan la geliyay ciidamada ammaanka oo xiray qeybaha muhiimka ah ee magaalada.

Wadooyinka xiran saaka ayaa waxaa ka mida jidka muhiimka ah ee Maka Almukarama, waxaana la joojiyay isu socodka gaadiidka, marka laga reebo gaadiid gaarka ah ee madaxda iyo ciidamada, waxaana wadadda laga xiray Isgoyska Banaadir ilaa Madaxtooyada.

Lama oga sababta sababta dhalisay arrintan iyadoo ay ciidamada xalay ka hor tageen dad kooban oo isku dayay inay xilli danbe bannaanbax ka dhigaan agagaarka isgoyska Trebuunka.

Ciidamada ammaanka ayaa xalay gurigiisa ka qabtay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, waxaana iska hor imaad dhex maray ilaaladii siyaasiga iyo ciidamada ammaanka iyadoo lagu dilay tiro ka mida ilaaladaasi, taasoo xiisad ka dhalisay magaalada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON