Xaaaldda Weriye maanta lagu dhaawacay magaalada Muqdisho ayaa degan, iyadoo lagu dabiibayo mid ka mida isbitaallada Muqdisho.
Weriye Farxiya Mire oo ka howlgasha warbaahinta dowladda ayaa Nin Bistoolad ku hubaysan uu maanta Duhurnimaddii ku dhaawacay agagaarka isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho, waxaana suuragashay in ciidamada amniga gacanta ku dhigaan ninkii falka geystay.
Waxaa weriye Farhiya ku dhacay laba xabadood oo ka haleeshay caloosha iyo keliyaha, waxaana hadda la sheegay inay xaaladeeda degan tahay oo aan wax halis ah ku jirin, iyadoo ay tacaalayaan dhakhaatiirta.