Wednesday, June 25, 2025

Wararkii ugu danbeeyay Xildhibaan lagu xiray Kismaayo iyo Xiisad ka taagan Magaalada

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay halkaasi ka taagan tahay xiisad ka dhalatay xariga Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan (Axmed Taajir).

Xildhibaankan oo xasaanada laga qaaday ayaa xabsi la dhigay kadib markii ay ciidamada nabadsugidda maamulka Jubba hoygiisa ku weerarreen, waxayna wararku sheegayaan in xiliigii la qabanaey xildhibaanka ay kala eryeen dad ay isku heyb yihiin oo isku dayey inay ka hor istaageen xadigiisa

Xildhibaan Axmed Taajir ayaa ku eedeysan inuu abaabulay mooshin ka dhan ah Axmed Madoobe iyo Golaha Wasiiradiisa, waxaana uu isagu sharci darro ku tilmaamay qaabka xasaanadda looga qaaday.

Xariga xildhibaanka ayaa xiisad ka dhaliyay magaalada Kismaayo, iyadoo ehelada iyo taageerayaasha xildhibaan Axmed Taajir ay ka caroodeen amar uu Axmed Madoobe ku xiray xildhibaankooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON