Warbaahinta Alshabab ayaa war la yaab leh ka faafisay qaabkii loo aasay wadaadkii lagu dilay weerarkii ay ku qaadeen xaruntiisa magaalada Gaalkacyo ee C/weli Sheekh Cilmi yare.
Wadaadkan oo lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay Rasuulka SCW ayey warbaahinta taageerta Alshabaab ka faafisay in la qodi waayey qabrigii lagu aasi lahaa, isla markaana ay mucjiso qabsatay dadkii doonayey inay aasaan markii ay ku adkaatay inay qodaan qabriga lagu aasi ahaa.
Warkan oo aanay cid kale xaqiijin ayaa lagu sheegay in dhibaato badan lagala kulmay aaska C/weli Cilmi Yare, iyadoo habeen iyo maalin xiriir ah ay qaadatay inay la qodo qabrigaasi, ayna ehelkiisa isku khilaafeen halkii magaalada looga aasi lahaa.
Dhinaca kale Idaacadda Andalus ee Alshabaab ay leedahay ayaa baahisay barnaamij hambalyo ah oo lagu taageerayo weerarkii lagu dilay wadaadkan, waxaana dadka laga duubay codad ay uga qeyb qaateen.
Wadaadka C/weli Sheekh Cilmi yare iyo 20-qof oo kale ayaa lagu dilay weerar Alshabaab ku qaadeen xarun uu ku lahaa koonfurta magaalada Gaalkacyo Isniintii 26-kii Novembar.