Monday, July 14, 2025

WARBIXIN: Alshabaab oo shaacisay qaabkii shirqoolka loogu dilay Axmed Godane [Magacyada]

Maxkamad ay leedahay kooxda Alshabaab  ee gobolka Baay xukunno lagu sheegay  xaddu riddo  ku fulisay rag lagu soo eedeeyay inay Jawaasiis ahaayeen una shaqeynayeen Sirdoonka Mareykanka, Kan Soomaalida iyo Kenya.

Ragga lagu fuliyay xukunka dilka ah ayaa midkood la gowracay isagoo lagu sheegay inuu ka dambeeyay diyaaradii Drone-ka ahayd ee dishay amiirkii hore ee Alshabaab Axmed Cabdi Godane.

Alshabaab  ayaa shaacisay magacyada dadka la dilay oo dhammaantood la sheegay inay qirteen dembiyadii lagu soo oogay, kuwaasoo kala ah:

  1. Maxamed Aadan Nuur Xasan  (26 jir) waxaa lagus oo eedeeyay  inuu k dambeeyay duqeyntii dabayaaqadii Sannadkii 2014-kii lagu dilay Amiirkii hore ee Xarakada Shabaab Axmed Cabdi Godane (Mukhtaar Abuu Zubeyr)
  2. Muxidiin Hiraab Axmed  (27 jir) Waxaa lagu soo eedeeyay  inuu la shaqeynayay Sirdoonka Kenya, isahoo ka dambeeyay raadinta raggii ka dambeeyay howl-galkii Westgate ee dhacay dabayaaqadii 2013-kii, Waxaana dusha loo saaray inuuixiyay macluumaadkii lagu dilay taliye sare Aadan Garaar.
  3. Xuseen Nuunow Nagaaye (36 jir) waxaa isna lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Ciidamada PS-ta Dowladda Fedraalka, qeybta ku xiran Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, isagoo loo diray inuu macluumaad ka keeno ciidamada  Alshabaab ee ku sugan Gobolka Bakool.
  4. iyo Xasan Diiriye Cusmaan (42 jir ahaa) ayaa lagu sheegay inuu la shaqeynayay sirdoonka Kenya, isagoo ka midaa xubno jooga Gedo iyo Jubbooyinka.

Maxamed Aadan ayay Shabaab sheegeen  in isagoo fulinaya howshii ay CIA-du usoo xil saartay uu 25-kii bishii Shawwaal ee Sannadii 1435 Hijriyada magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose uu ku arkay mid ka mid ah laba nin oo ka tirsanaa ilaaladii  gaarka ahaa ee Axmed Godane, kadibna ka qaatay telefoonkii uu sitay oo la siiyay CIA-da, toban maalmood kadibna ay dhacday duqeyntii lagu dilay Axmed Godane.

Saddexda eedeysane ee danbe ayaa lagu dilay toogasho, halka Maxamed Aadan, oo ku eedeysnaa inuu  ka dambeeyay dilka Axmed Godane loo dilay qaab gowrac ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON