Warbixin cuusb oo uu qoray wargeyska “The Globe and Mail” ee kasoo baxa dalka Canada ayaa soo shac bixisay xasuuq la sheegay ianu ciidamo Soomaali ah oo la socday kuwa Eritrea ka geysteen Gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya bilowgii dagaalka.
Warbixinta ayaa soo xigatay marqaatiyeyaal Tigray u dhashay oo ku sugnaa magaalooyinka ay tacadiyada ka geysteen Soomaalida ee la socday kuwa Eritrea, sida ay da ku gowareen goobo Kaniisado ah.
Markhaatiyaasha uu wargeyska la hadlay waxaa ka mida nin 52 jir ah oo magaciisa lagu soo koobay Gebretsadik, kaasoo sheegay inuu daggan yahay xaafadda Zebangedena ee ku taalla waqooyiga-bari ee gobolka Tigray.
“Meydadka wadaad diimeedyo oo madaxa uu ka go’an yahay ayaan ku arkay waddooyinka xaafaddeyda, bishii December ee 2020-kii,” ayuu yiri.
Gebretsadik ayaa intaas ku daray: “Ciidamada Soomaalida oo qabsaday xaafaddeyda ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday kaniisadaha waxayna laayeen baadariyaasha. Way gowraceen.” Ciidanka Soomaalida iyo Ereitrea ayaa xaafaddaas ku sugnaa ilaa dabayaaqadii bishii February, sida uu sheegay ninkan ka midka ah dadka deegaanka.
Dadka kale ee xogta laga soo xigtay waxaa ka mid ah beeraley 32 jir ah oo la yiraahdo Berket, kuna sugan xaafadda Mai Harmaz ee gobolka Tigray, kaasoo yidhi: “Ciidanka Eritrea su’aalo ayay ku weydiinayaan ka hor inta aysan ku dilin, balse kuwa Soomaalida ah ma sameeyaan sidaas.” Waxa uu intaas ku daray in baadariyaasha la dilay uu ka mid ahaa nin ay deris ahaayeen oo 76 jir ahaa.
Warbixinta wargeyska The Globe and Mail ayaa inteeda badan ku dhisan dad la qariyey magacyadooda iyo xog uu bixiyey nin sarkaal ahaa, iyadoo aan soo bandhigin caddeyn lagu xaqiijin karo arrintan oo muddo sanad ka badan la hadal hayey, laakiin aan weli loo helin caddeyn buuxda.
Waxaa warbixinta Wargeyska ku jira in cidiimada Soomaaliya ee tegay Gobolka Tigray ay tiradoodu ahayd 10,000 skari, taaso oah mid xaqiiqada ka fog.
Bartamihii sanadkii 2021-kii, warbixin ka soo baxday Hay’adda Xuquuqda Addanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay saldhig militari oo ku yaalla Eritrea in ay ku biireen dagaalka Tigray oo khasaare badan dhaliyay.
