In ka badan 20 qo oo u badan ciidamo ayaa ku dhintay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen 40 kale, markii laba gaari oo midkood is-miidaamin ah lagu qarxiyey agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, qaraxyada ayaa muddo aanan kala fogeyn ka kala dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka oo aad ugu dhaw madaxtooyada iyo fagaaraha Daljirka Dahsoon.
Khasaaraha ayaa la sheegay inuu intiisa badani ka dhacay agagaarka Tiyaatarka oo ah halka uu ka dhacay qarraxa hore. Dadka dhintay waxa ku jira Allaha u naxariistee Wariye Cawil Daahir Salaad oo ahaa saxafi rug caddaa ah, kana tirsanaa telefishanka Universal xafiiskiisa Muqdisho.
Waxa sidoo kale dadka dhaawacmey ka mid ah masuuliyiin ay ka mid yihiin xildhibaan Warsame Joodax iyo guddoomiye ku xigeenka dhanka nabad amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay qaraxyadii maanta ruxay magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay inay beegsadeen sarakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo qasaare lixaad leh ay u geysteen.
NISA ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen wadihii baabuurkii labaad ee qarxay iyo ninkii hoggaaminayey qaraxyada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho