Wednesday, June 25, 2025

Warbixin: Dagaal Culus oo ciidamada dowlada iyo Alshabab ku dhex maray Sh/Dhexe (Alshabab oo sheegatay..)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal qaraar oo maanta ka dhacay degaanka War-ciise ee duleedka Magaalada Jowhar, xarunta Hirshabeelle.

Dagaalka ayaa la sheegay inay qaadeen maleeshiyada Alshabaab oo ay isku haleeleen ciidamada dowladda ee ku sugnaa War-ciise, wuxuuna ahaa dagaal saacado qaatay oo ahaa kii ugu weynaa ee labada dhinac dhex mara i ntii uu bilowday howlgalka ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Sh/Dhexe.

Ku dhowaad 20 qof oo labda dhinac ah ayaa la sheegay inay dagaalka ku dhinteen, waxaana ka mida taliyihii ururka 6-aad ee ciidamada Gorgor Maxamed Cabdiwaaxid Faarax iyo askar la socotay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tobabaab kale.

Saraakiisha dowladda ayaa laga soo xigtay in dagaalka maanta ee Warciise lagu qabtay maleeshiyo Alsahbaab oo ku dhaawacmay, isla markaana gaadiidkii ay wateen qaar lagu gubay, qaar kalena lagu qabsaday.

War kasoo baxay Alshabaab ayey ku sheegay inay dagaalka maanta ku dileen 18 askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ayka ka mid yihiin saddex sarkaal oo sare, dhaawacuna gaarayo in ka badank 40. Alshabaab ayaa sidoo kale sheegtay inay dagaalka ku gubtay 3 ka mida gaadiidka gaashaaman.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weerar ku qaaday degaanka Jilable, ee gobolka shabeelaha dhexe halkaasi oo ay ku dhuumaaleeysanayeen maleeshiyaadka kooxda nabadiidka ee Al-Shabaab. 70- maleeshiyaad iyo horjoogayaal ayaa argagixisada looga dilay degaankaasi” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON