Friday, June 27, 2025

WARBIXIN: Itoobiya oo ku hanjabtay inay ciidameeda kala baxeyso Soomaaliya [Akhri sababta]

Saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa laga soo xigtay in dowladda Itoobiya ay qorsheyneyso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Wararkan oo la soo gaarsiiyay MIdowga Afrika ayaa ka danbeeyay shirka magaalada Adis ababa ku dhex maray taliyeyaasha ciidamada dalalka ka mida AMISOM iyo Midowga Yurub oo looga dooday dhibaatada dhaqaalaha ee heysata ciidamada AMISOM.

Qorshe ciidamo Itoobiyaan ah lagu keeni lahaa MuqdishoItoobiya ayaa dhowaan go’aansatay inay ciidamadeeda aan ka tirsaneyn ee jooga Soomaaliya ay la baxayaan, taasoo keentay in Alshabaab ay dib u qabsato degaanadii ay ka baxeen.

Socdaal madaxweynaha Soomaaliya ku tegay Adis ababa ayuu madaxda dalka Itoobiya ka codsaday inay inay dib u dhigaan ciidamada ay kala baxayaan Soomaaliya inta ay ka dhaceyso doorashada 2016, taasoo uu markii dambe sheegay inay ka  aqbaleen.

Afhayeenka Ciidanka AMISOM Jeo Kibet ayaa laga soo xigtay inay ka niyad jabeen hadalka dowladda Itoobiya ee ah in ay ka baxayso howgalka AMISOM.  Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in ciidanka dowladda Itoobiya ay kaalin ka qaateen la dagaalanka Al-Shabaab hadii ay ciidankooda kala baxaan Soomaaliya ay banneyn doonaan booska muhiim ah.

Burundi ayaa sidoo kale ku hanjabtay inay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, kadib markii Midowga Yurub iyo madaxweynaha dalkaasi ay isku dhaceen, isla markaana ay go’aansadeen Midowga Yurub inuu si toos ah lacagta usiiyo ciidamada Burundi ee ku sugan Soomaaliya.

Arrimahan ayaa loo arkaa culeys dalalka AMISOM ka tirsan ku saarayaan Midowga Yurub inay bixiyaan lacagta ay siiyaan AMISOM.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON