Saturday, July 12, 2025

Warbixin ku saabsan kulan dhex maray Madaxweyne Farmaajo & Dhaxal-sugaha Abu Dhabi [Daawo]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta soo gabagabeynaya socdaalkiisii dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo  ayaa wadahadallo la yeeshay Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dhabi, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Waxay labada dhinac ka wadahadleen xiriirka labada dal, iyadoo Farmaajo ka mahad celiyay taageerada Dowladda Isu-tagga Imaaradka Carabtu la garab taagan tahay iyo  gurmadkii caafimaad ay u fidiyeen dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ay kor u qaadaan xiriirka iskaashi maadama ay kawada dhaxayso taariikh iskaashi oo soo jireen ah, isaga oo ballan qaaday in ay dowladdiisu kordhineyso dadaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Dhaxal Sugaha ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen oo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, horumarinta, iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Istiraatiijiyadda Prof. Nuur Diiriye Xirsi, Sen. Mahdi Daahir Sheekh Nuur iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mudane C/qaadir Sheekheey Maxamed Al Xaatimi.

محمد بن زايد يستقبل الرئيس الصومالي ويبحثان العلاقات الأخوية والتنسيق في محاربة الإرهاب 1

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON