Faahfaahin dheeraad aha ayaa ka soo baxeysa sarkaal sare oo ka tirsanaa Hay’ada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo saaka lagu dilay, degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.
Sarkaalkam oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali ayaa caan ka ahaa degmada Shibis iyo magaalada Muqdisho isagoo dowladda federaalka ku biiray xiligii dowladii C/llaahi Yuusuf, wuxuuna xilal waaweyn ka soo qabtay ciidanka NISA ee dowladda Soomaaliya oo muddooyinkii dambe uu ka tirsanaa.
Xilalka uu sarkaalkan kasoo qabtay NISA waxaa ka mida: Taliyhii NISA ee hogaanka arrimaha dibada iyo taliyaha hogaanka howlgallada NISA iyo xilal kale oo dhammaantood uu kasoo qabtay hay’adda NISA.

Taliye Maxamuud Xaaji Cali ayaa lagu tilmaamay sarkaalkii ugu sareeyay ee NISA laga khaarijiyo muddooyinkan, waxaana saakay koox hubeysnaa degmada Shibis xilli uu ku sugnaa Gurigiisa degmada Shibis, waxaana baxsaday sidii caadada ahayd kooxdii dilka geysatay.
Kooxda Alshabaab aya sheegatay inay ka danbeysay dilka sarkaalka ka tirsanaa NISA, sida lagu qoray warbaahinta taageerta kooxdaasi.
Goobjooge.com