Ciidamda Amiga magaalada Kismaayoa ayaa soo afjaray weerarkii Qaraxa iyo tooska ahaa ee maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ku qaadeen Hotelka Cas-casey, kaasoo socday 14 saacadood.
Weerarka oo ku bilowday qarax is-miidaamin ah, kadibna dabley 3 qof ka kooban ay gudaha u galeen Hotelka ayaa lagu laayey dad gaaraya 26 qof, halka dhaawacu ku dhow yahay 60 sida uu sheegay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana dadka dhintay ka mida saxafiyiin caan ah, Musharax madaxweyne, Ajnabi iyo ciidamada amniga.
Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Musharax Madaxweyne Jubbaland Maxamed ismaciil Shuuriye, saxafiyadda caanak ahayd ee Hodan Naaleeye, sagyeedii Fariid Jaamac oo horay Wasiir kaga soo noqday Jubbaland, Deeq Wabi oo dhawaan ka yimid Mareykanka ahaana Madaxa Hay’adda SADO, Maxamed Sahal Gacmadheere oo ahaa Wariye ka tirsan Radio Ergo/TV-ga SBC ilaa 10 ciidamada amniga ah iyo dad kale.
Meydadka dadka lagu dilay hotelka ahaa dhex yaalla iyadoo aan loo ogolaan saxafiyiinta, waxaana dagaalka dhex maray ciidamada iyo dableyda Alshabaab lagu dilay 2 maleeshiyo oo hotelka ka dagaalameysay, halka mid kale dhaawac lagu qabtay.
Weerarka oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah, uguna qasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Kismaayo ayaa saameyn ku yeeshay xaaladda magaalada oo ku jirtay olole doorasho.