Tuesday, July 15, 2025

WARBIXIN Qaraxyadii Muqdisho [Askar ilaalo u ahayd UN-ka & AMISOM oo lagu laayay]

Xaaladda ayaa hadda degan, kadib qaraxyadii mattaanaha ahaa ee ka dhacay laba goobood laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ee xigta degmada Mediina oo lagu magacaabo Medina Gate.

Qaraxyada ayaa la sheegay in loola dan lahaa xarunta Villa Nabadda oo kasoo horjeeda garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ah goobta ay degan yihiin saraakiisha UNSOM iyo wakiilka UN-ka u jooga Soomaaliya Micheal Keating.

Xaruntaasi oo burbur xoog leh gaaray ayaa warar hordhaca ay sheegayaan in  lagu dilay 12 askari oo 9 kamida ay yihiin ciidamo gaara oo ilaaliya madaxda UN-ka ee Muqdisho ku sugan, 3 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

AMISOM ayaa qiratay in hal askari uga dhintay qaraxa, balse kadib ayuu beeniyay afhayeenka AMISOM iyo wax dhimasho ah ay jirto dhinacda AMISOM iy ciidamada AMISOM.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in 13 qof ku dhinteen qaraxyada. Afhayeenka Gobolka Banadir aya si cad u sheegay in ciidamada ilaaliya UN-ka ay ka dhinteen askar badan oo 9 gaareysa.

Ciidamada ku dhintay qaraxa ayay wararku sheegayaan inay ahaayeen ciidamo ka tirsan Hay’ad Soomaali ah ammaanka qaabilsan isla markaana ciidamadeedu ilaaliyaan UN-ka.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay goob isbaaro u taallo ciidamada Soomaalida, kaasoo qasaare badan geystay, kadibna waxaa xoog ku soo maray wadadda gaari kale oo miineysan kaasoo ku qarxay agagaarka laga galo xarunta Xalane ee garoonka diyaaradaha.

Alshabaab oo sheegatay in weerarkaasi ka danbeysay sida ay soo xigatay Alajazeera. Dhinaca kale AMISOM ayaa sheegatay inay fashiliyeen weerar uu sheegay in lagu qaaday Albaabka Garoonka Aadan Cadde qeybta Madiina Gate.

Afhayeenka AMISOM Joe Kibet laga soo xigtay in qaraxyada oo ahaa laba qarax la fashiliyay iyadoo ay kaashadeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON