Xaaladda siyaasadeed ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa kacsan kadib markii dhaxal sugaha dalkaasi oo ah wiilka uu dhala boqorka talada haya Maxamed Bin Salmaan uu xabsiga dhigay wasiiro, wasiiro hore iyo ganacsatada ugu waaweyn dalkaasi.
Arrintan oo qeyb ka ah ololaha musuq la dirirka ee ka socda Sacuudiga ayaa lagu xirxiray raggii ugu awoodda iyo dhaqaalaha badanaa dalkaasi, tallaabo lagu sheegay in wiilka 32 sano jirka ah uu doonayo inuu dhammaan la wareego Sacuudiga.
Tallaabada la qaaday ayaa la sheegay inay tahay mud bilow ah oo meesha looga saarayo musuqmaasuqa, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud. Qoraal uu soo saaray Sheekh Sacuud Al Mojeb ayuu ku sheegay in xiritaanku “uu billaw u yahay hawlgal muhiim ah oo xididdada loogu siibayo meel kaste oo musuqmaasuq ka jiro.
Wararka la xiriira hawlgalka ka dhanka ah ganacsatada iyo hogaamiyeyaasha siyaasadda ayaa soo baxay Axaddii. Waxayna arrintaasi awoodda u sii kordhinaysaa Maxamed Bin Salman oo ah dhaxal sugaha Sacuudiga.

Guddi musuqmaasuqa la dagaalamaya oo uu hogaaminayo dhaxal sugahan ayaa amray in xabsiyada loo taxaabo 11 ruux oo qoyska boqoortooyada ka tirsan, afar wasiir, iyo tiro kale oo dad horay wasiirro u soo noqday ah.
Al Waleed bin Talal oo ah ganacsade caalamka laga yaqaanno oo hodan ah ayaa la sheegay in uu ka mid yahay dadka la hayo. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa taageeray tallaabada ay qaadday xukuumadda Sacuudiga.
Sheekh Sacuud Al Mojeb oo waxa qabsoomay ilaa iyo hadda war ka soo saaray ayaa sheegay in “wajigii koobaad” ee baaritaanku uu soo idlaaday. “Waxaan arruurinayay caddaymo muhiim ah, su’aalo faahfaahsan ayaana la waydiiyay”, ayuu hadalka ku sii daray.
Waxa arrinta uga sii daray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo si buuxda u taageeray ololaha kasocda Sacuudiga “Kalsooni wayn ayaan ku qabaa Boqor Salmaan iyo Amiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga, way garanayaan waxa ay sameynayaan..” ayuu Twitter-ka ku soo qoray, wuxuuna intaas ku daray in dadka la xirxiray ay tobanaan sano dalkooda iska maalayeen.
Saxaafadda Ingiriiska ayaa loo dusiyay muuqaal fadeexo ah oo ku saabsan goobta lagu xiray wasiirada iyo ganacstada waaweyn, meeshaas oo hore u ahayd hotel ayaa waxaa ka muuqda in barxadda hotelka loo dhigay joodariyeel ay ku seexdaan sida Kaam oo kale.
Goobjooge