Thursday, March 28, 2024

WARBIXIN XASAASI AH: Shariif Xasan, Faarax Sh. C/qaadir & C/kariin Guuleed oo u ololeynaya ridista xukuumadda 2aad ee CCC

[ad name=”HTML-2″]

Siyaasiyiin hore saaxiibo dhow ula ahaa madaxweweyne Xasan Sheekh ayaa si lama filaan ah isu bedelay kana hor yimid wasiirada cusub ee uu magacaabay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid 27-kii Bishan oo ah wasiiro aan ka mid ahayn Baarlamaanka.

FAARAX SHEEKH C/QAADIR

Ad

Saaxiibka ugu weyn ee madaxweynaha ayaa ka careysan inaan lagala tashan magacaabidda wasiirada cusub qaarkood siiba kuwa ka socda kooxda diiniga ah ee Aala-sheekh, wuxuuna si weyn ugu diiday madaxweynaha inuu magacaabo C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte, balse madaxweynaha ayaa ku adkeystay arrintaasi markii ay isku xireen jagooyinka Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Qorsheynta.

Sidoo kale wuxuu Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir ka horjeestay wasaaradda loo magacaabay Fahad Yaasiin, isagoo is-casilaad u diyaariyay Fahad, taasoo qoraal ahaan loogu geeyay madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaana ololaha Faarax ee ridista xukuumadda labaad ee Cumar C/rashiid markan kula jira beeshiisa shanaad xubnaha hor boodaya sida Khadiija Maxamed Diiriye iyo Jeylaani Nuur Iikar guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka.

sharif-guled-farah

- Advertisement -

SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu tabanayaa in markan meel ka dhac weyn loo geystay, iyadoo aanu hal xubin ku lahayn wasiirada cusub. Shariifka oo heysta ku dhowaad 30 xildhibaan waxay horeba u wadeen qorshe ay ku doonayaan inay mooshin uga keenaan Guddoomiye Jawaari, waxayna hadda ku daraan inay xukuumadani ridaan.

C/KARIIN XUSEEN GUULEED

Wasiirkan isna wuxuu sida Faarax tabanayaa inaan talo badan laga qaadan oo xitaa lagala tashan qofka lagu bedelayo oo noqday C/raxamaan Odowaa, waxaana dadka ku dhowdhow la arkayay isagoo la safan Faarax oo kala shaqeynaya ridisa xukuumadda cusub ee CCC

- Advertisement -

Saddexdan nin waxay ahaayeen siyaasiyiinta ugu horeeya ee madaxweynaha taladooda uu ku shaqeeyo, laakiin markan waxaa muuqata inay madaxa iskula jiraan, waxayse ku hoos xoogeysteen madaxweyne Xasan Sheekh oo siiyay awood mararka qaarkood ka badan tiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo degdeg u yimid Muqdisho ayaa laga sugayaa inuu xaliyo saaxiibadii ay xukuumadda cusub isku maandhaafeen ka hor inta aanu xal ka raadin kutlooyinka xildhibaanada oo xisaab kale ula fadhiya. Khilaafaadka iyo danaha is diidan ee siyaasadeed guud ahaan waa natiijo ka dhalatay hab dhaqanka madaxweyne Xasan Sheekh.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON