Tuesday, January 26, 2021

XOG CUSUB: Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo waqti dheeraad ah ka codsaday guddoonka Baarlamaanka

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa waqti dheeraad ah ka codsaday Guddoonka Baarlamaanka  si uu usoo dhameystiro xukuumadiisa oo hadda  ay magacaaban yihiin 20 wasiir oo kaliya, una diyaariyo qorshihii uu horkeeni lahaa Baarlamaanka.

Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke

Ad

Ra’iisal wasaaraha ayaa xalay tegay xarunta guddoonka Baarlamaanka, halkaasoo ay isku arkeen GuddoomIyaha Baarlamaanka oo markaas ahaa kusime madaxweyne iyo ku xigeenadiisa wuxuuna si rasmi ah uga codsaday in la siiyo muddo toddobaad ah ilaa khamiista danbe 5-da February.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa u sheegay in codsigaas aanu shaqeyn karin mar haddii Baarlamaanku u codeeyay in Sabtida 31-ka Janaayo codka kalsoonida loo qaado xukuumada cusub. Waxayna Ra’iisal wasaaraha kula taliyeen inuu isaga laf ahaantiisa tago baaralmaanka oo codsigiisa u jeediyo.

Sidoo kale waxaa shirkaasi ku biiray xildhibaano badan oo ka socday kutlooyinka isbaheystay waxayna dood dheer oo siyaasadeed kadib lagu guuleysan waayay in wax go’aan ah laga siiyo Ra’iisal wasaaraha codsigiisa.

Goobjooge.com

Muqdisho

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

153,921FansLike
2,316FollowersFollow
5,729FollowersFollow
153,921FansLike
2,316FollowersFollow
5,729FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!