Monday, July 14, 2025

Wareegii 2aad Doorashadii Kursiga HOP063 oo lagu kala bixi waayey iyo Natiijo yaab leh

Waxaa soo gabagaboobay wareegii labaad ee doorashada Kursiga HOP063, kaasoo tartan culus lagu kala reebay 9 musharax oo isu soo taagay.

Wareegii koowaad waxaa ku haray 7 musharax oo uu ka mid ahaa xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursiga C/llaahi Goodax bare, waxaana wareegga labaad ku tartamay Cabdirisak Cabdullahi Moalim Ciid iyo Daahir Xaaji Aaden.

Natiijadii wareegga labaad ayaa noqotay inay labada musharax kala helaan codad isku mid ah, Cabdirisak Cabdullahi Moalim Ciid wuxuu helay 50 cod, Daahir Xaaji Aaden ayaa isna helay 50 cod, iyadoo uu hal codna uu xumaaday.

Waxaa lagu dhawaaqay in wareeg kale la galayo, mar haddii lagu kala bixi waayey wareegii labaad oo u baahnaa cod hal dheeri ah.

Waa natiijadii ugu yaabka badneyd ee doorashada xildhibaannada Fedreaalka oo sidan u dhacda, iyadoo tartanku ahaa mid aan hore loo arag.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON