Waxaa maanta la shaaciyey wareegto kasoo baxday Taliyaha ciidamada Booliska oo saldhiga Booliska Garoonka diyaaradaha lagu hoos geeyay Qeybta Booliska Gobolka Banadir.
Warkan oo soo baxay bartamihii bishii hore ee Maarso ayaan qoraalkaasi la helin, iyadoo lagu beegay xilli uu shir u furmay maanta madaxda dowladda iyo kuwa Goboleedyada dalka oo muddo la isku mari waayey.
Go’aanka ah in Saldhigga Booliska Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa ah mid shaki badan laga muujiyey, ayna mucaaradka u arkaan inuu qeyb ka yahay qorshe Maxamed Farmaajo ku doonayo inuu Garoonka hoos geeyo taliyaha Booliska Banaadir Saadaq Cumar (Saadaq Joon) oo si toos ah ula shaqeeya.
Saldhiga Booliska Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa hoos imaan jiray Laanta Canshuuraha Booliska Soomaaliya, waana markii ugu horeysay ee la hoos geynayo Taliska G/Banaadir.

