Tuesday, June 24, 2025

Wareegto kale: Farmaajo oo Amray in shaqada laga joojiyo Taliyaha Ciidamada Badda

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa amray in shaqada laga joojiyo Taliyaha Ciidamada Badda Jen. C/xamiid Maxamed Dirir.

Wareegtadii labaad ee saqdii dhexe kadib ka hor salaadii subax kasoo baxday Madaxtooyada Soomaaliya ayuu Farmaajo ku amray taliyaha ciidamada Xoogga Dalka inuu shaqada ka joojiyo Taliyaha ciidamada Badda, arrimo anshax ahaan dartood.

Taliyaha Ciidamada Badda ayaa dhowaan ku eedeeyay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu boob ku dhisanayo Dhul ay leeyihiin ciidamada Badda, iyadoo markaas lala xiriiriyay inay Madaxtooyada adeegsatay.

Sidoo kale Farmaajo ayaa shaqo joojin ku sameeyay Ra’iisal wasaare Rooble, taasoo uu sabab uga dhigay eedaha uu jeediyay Taliyaha ciidamada Badda ee isna shaqada laga joojinayo.

Wararka ayaa sheegaya in Jen. C/xamiid uu ka dhoofay Muqdisho, kadib markii ay Madaxtooyada safarkiisa hore u diyaarisay.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Muqdisho, Diseembar 27, 2021:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya faray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl gudashadooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON