Maamulka Jubba iyo madaxtooyada Kismaayo ayaa si weyn u beeniyay qoraal ay faafiyeen qaar ka mida Website-yada Soomaalida.
Qoraalkan ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe u diray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, isagoo kala hadlaya inuusan wasiirka Beesha Ogaadeen u magacaabin C/llaahi Ciilmooge.
Masuulyiinta warfaafinta ee Madaxtooyada Jubbaland ayaa beeniyay jiritaanka warqadaan, oo ay sheegeen inay tahay mid la doonayo in la isaga horkeeno dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, iyadoo war kasoo saari doona dhowaan.
Qoraalkan oo sida ka muuqata ah mid la sameeyay (fake document) ayaa warbaahinta qaarkeed faafiyeen maanta.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
Goobjooge.com