Wasaaradaha Amniga iyo Cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa si furan eedo isugu jeediyay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulan Bishiiba mar la qabto oo ay soo qabanqaabisay Maxkamadda sare ayaay eedo kulul isku weydaarsadeen labada wasaaradood, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud, Maxkamadda Racfaanka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/naasir Siciid Muuse ayaa Wasaaradda Caddaaladda ku eedeeyay in Garsoorayaasheed ay sii daayaan dadka eedeysanayaasha ah ee ay soo xirto Wasaaradda amniga ee loo heysto amni darrada, isagoo sheegay in ammaan darrada ay qeyb ka tahay wasaaradda Cadaaladda iyo maxkamadaheeda.
Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo jawaab ka bixiyay eedeyntaasi culus ayaa sheegay in garsoorayaasha aysan qaadan mushaar taasna ay sababtay in ay musuqmaasuq ku kacaan ama sii daayaan eedeysanayaasha ay Wasaaradda amniga soo xirato.
Wuxuu Wasiirka wasaaradda Caddaaladda difaacay Garsoorayaasha oo uu sheegay inaysan jirin cid ilaalisa xuquuqdooda, taasina keentay buu yiri inay la heshiiyaan dambiilayaasha ama eedeysanayaasha.
Goobjooge.com