Monday, June 23, 2025

Wasaaradaha Warfaafinta & Waxbarashada oo isku dhacay [Maareeye oo ka hor yimid Guddi uu magacaabay Goodax]

Laba wasiiradood oo ka mida xukuumadda Soomaaliya ayaa isku heysta Guddi, kadib markii Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka hortimid Guddi ay dhistay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in wasaaradda Waxbarashada oo uu wasiirka ka yahay C/llaahi Goodax Barre aysan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha Dhaqanka, sidaas darteedna uu sharci darro yahay Guddiga ay magacowday Guddi qaabilsan Dhaqanka.

Qoraalka Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeye ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay leedahay magacaabista Guddiga Warfaafinta iyo Dhaqanka, balse wasaaradda Waxbarashada ay si sharciga baal-marsan u maroorsatay shaqadii Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare, ayna dhisi doonto Guddi Qaran oo ay ku mideysan yihiin Hay’adaha dowladda iyo kuwa bulshada ee doorka ku leh.

Ad

HOOS KA AKHRISO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON