Wednesday, June 25, 2025

Wasaaradda Amniga: “Gaari Qarax sida oo loo ekeyiisay Gaadiidka Shirkadda Sahal ayaa ku jira Muqdisho..”

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Magaalada Muqdisho uu ku dhex jiro Gaari walxa Qarxa sida oo la doonayo in loo adeegsado Qarxin goobo mucayin ah.

Wasaaradda ayaa maanta shirkii Golaha Wasiirada ka sheegtay in Gaari nooca NOAH oo loo ekeyiisay Gaadiidka Shirkadda Sahal ee Muqdisho, kaasoo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, iyadoo ay ku daba jiraan ciidamada amniga magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka ayaa la sheegay inay isha ku hayaan Gaarigaasi ee ay ku jiraan, sida lagu sheegay qoralkii kasoo baxay shirka golaha wasiirada oo uu akhriyey Wasiir ku xigeenka wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis.

Waa markii ugu horeysay ee Wasaaradda Amniga ay shaaciso gaari lagu daba jiro oo leh astaamo shirkad ganacsi oo ka howlgasha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON