Monday, July 7, 2025

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Map-ka Afrika ka tirtay Somalia & Dood culus oo dhalatay Daawo]

Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa website-keeda rasmiga ah ku faafisay Khariirada Afrika oo laga tiray Somalia iyadoo lagu daray dalka Itoobiya.

Sida uu muujinayo bogga looga hadlayo dalalka Afrika waxaa gebi ahaan khariidada ka maqan Somalia oo laga dhigay qeyb ka mida Itoobiya, halka Somaliland laga dhigay dal iskiis u taagan, waxaa kaloo khariidada ka maqan dalka South Sudan oo ka mida Suudaan.

Arrintan ayaa dood ka dhalisay baraha bulshada, waxaana si weyn u faafiyey saxafiyiin iyo mas’uuliyiin ku sheegay inay tahay qorshaha uu Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed damacsan yahay inuu hirgeliyo, iyadoo markaas kadib ay sababtay in meesha laga saaro sawirka khariidada, laguna bedelo sawirka hoos ka muuqda oo ah sawir yar oo calaamad u ah Wasaaradda.

Dad badan ayaa is weydiiyey waxa sababay in khariirad noocaas ah ay adeegsato wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo lagu daabaco boggeeda rasmiga ah, laakiin ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca wasaaradda iyo dowladda Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON