Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay inaysan waxba kala socon arrinta Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo Kenya ku sugan oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya.
Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa u sheegay wargeyska Nation ee dalkaasi in arrintaas ay tahay howl ciidan oo ay ka hadli karaan ciidamada Kenya. “Arrintan -C/rashiid janan- gacanta nooguma jirto. Waxaa lagala xiriirayaa dadka wax ka og, ciidamada Amniga..” ayuu yiri Xoghayaha.
C/rashiid Janan ayaa markii uu ka baxsaday magaalada Muqdisho Doon ku tegay magaalada Kismaayo, halkaasoo diyaarad kale ay ka qaaday isgoo tegay magaalada Nairobi, kadibna lagu arkay magaalada Mandheera oo Wargeysku sheegay in uu hore u deganaa Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamud Sayid Aaden.
Dolwadda Somalia iyo Hay’adda Amnesty International ayaa ka dalbaday dowladda Kenya inay C/rashiid Janan dib ugu celiso dowladda Soomaaliya.