Thursday, June 26, 2025

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo shaacisay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Shaqaalaha Turkiga

Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa ka hadashay Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo muwaadiniin Turki ah kasoo gaaray qaraxii maanta ka dhacay duleedka Muqdisho.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inuu qarax is-miidaamin ah ka dhacay jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye, ayna ku dhinteen afar qof oo uu ka mid yahay Qof Turkish ah, waxay kaloo ku dhaawacmay afar qof oo Turki ah.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa cambaareysay weerarka oo ahaa is-miidaamin, waxayna caddeysay inay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarka ka dhacay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho oo dhisme ay ka wado Shirkadda Turkiga ah ee dhiseysa jidka Muqdisho-Afgooye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON