Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qof Soomaali ah oo saaka ay Garoonka Muqdisho keentay diyaaradda Ethopian Airlines, kaasoo warar kala duwan laga sameeyay.
Wasaaradda ayaa ssheegtay in iyadoo hubinaysa inay bulshada u bayaaniso wararka la xariira muwaadin Soomaaliyeed oo saarnaa diyaaradda Itoobiya ee saakey soo gaartay garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho ay caddeyneyso in qofkaasi uu weli ku jiro qeybta hakinta.
Waxay kaloo intaas ku dartay in muwaadinkan ay diyaaradda kasoo qaaday dalka Shiinaha, soona marsiiyey dalka Itoobiya, waxayna caddeysay in diyaaradda jebisay amarkii la bixiyey tallaabada ku haboon laga qaadayo.
HOOS KA AKHRISO