Wednesday, July 16, 2025

Wasaaradda Gaadiidka oo Sharci kasoo saartay Sumada Gaadiidka & Taargooyin cusub oo lasoo saarayo]

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duuliska Hawada Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar  ayaa faah faahin ka bixiyay sharci Wasaaradu kasoo saartay sumadda Gaadiidka.

Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duuliska Hawada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaradda Gaadiidka xukumadda Soomaaliya oo ka duulaysa Amniga Dalka aya sharci kasoo saartay Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.

Wasiirka  ayaa sheegay in xeerkaan cusub ay kasoo qaateen xeerarkii hore, kuna dareen qaar cusub iyagoo ganacsatada gaadiidka ay la tashi la sameeyay, waxyaabaha ay ka cabanayaan ay ka mid ahaayeen in baabuurta ay dibadda ka keenaan marka ay in muddo garaash ku jiraan xilliga laga iibsanayo ay la mid noqdaan gaari mar hore waddanka la keenay.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa samaysay Taargooyin Ganacsi oo Gawaarida la siinayo inta laga iibsanayo, marka qof shaqsi ah ama shirkad iibsatana waxaa la siinayaa taargooyin cusub oo rasmi ah.

Wasiir Oomaar  ayaa sheegaya in xeerkaan cusub uu ka mid yahay qodob cadaynaya in qofka shaqsiga marka uu gaariga iska iibinayo ay waajib ku tahay in uu taargada dib u soo celiyo, si looga hor tago in gaari loo adeegsaday xaalad amni darro.

Sharcigan ayaan la sheegin cidda ansixisay iyo in loo baahan yahay horgeynta Baarlamnaanka Federaalka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON