Sunday, July 13, 2025

Wasaaradda Gaashaandhigga oo ciidamo kala dhex dhigtay askar Beeleed dagaal ku dhex maray Deyniile

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala qaaday Ciidamo qaab beeleed dagaal udhex maray oo kawada tirsan Dowladda, kuwaasoo isku heyst dhil ku yaalla Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Dagaal shalay Galabtii ilaa xalay dhex maray labada ciidan ayaa dhaliyay qasaare dhimasho iyo Dhaawac leh, waxaana Xuseen Maxamuud Maxamed oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya uu sheegay in Ciidamo laga diray Wasaaradda Gaashaandhigga ay kala dhex galeen labada dhinac.

Labada ciidan ee dagaalku dhex maray ayaa ku kala sugnaa Haanta Dheer iyo agagaaraka xerada 77, waxaana socda waanwaan lagu doonay in arrinta dagaalka dhalisay xal loogu helo.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata inaysan ilaa iminka wax ka qaban karin xaaladda ciidamada milateriga ka tirsan ee beel ahaanta u howlgala, taasoo halis ku ah dowladnimada iyo amniga Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON