Sunday, July 13, 2025

Wasaaradda Warfaafinta oo shaacisay Sababta loo xiray Cabdalla Muumin iyo Cidda heysata

War-saxaafdeed 24 saac, kadib xarigii Xoghayah ururka Saxafiiyinta ee SJS Cabdalla Axmed Muumin caawa kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey sababta l xiray iyo cidda heysata.

Wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku sheega inay ka war heshay xarigga Mudane Cabdalla Muumin oo ka tirsan bahda ururada saxaafadda ee magaalada Muqdisho ka hawlgala, kadibna ay ogaatay inayu xireen ciidamada Booliska, loona heysto eedeymo dhinaca Amniga ah.

“Xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa wasaaradda lagu wargeliyay in Cabdalla Muumin uu gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isla markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda oo oo iska fogeysay nay wax ka ogeyd xariga xoghayaha SJS.

Qoralka Wasaaradda Warfaafinta, ayaa lagu caddeeyay in Cabdalla Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda. “Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa ka dalbadey Xafiiska Xeer Ilaalinta in degdeg ay caddeymo uga bixiso sababta muwaadinkaasi loo hayo, lana marsiiyo habraacyada sharciga ee dalka u degsan”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON