Wasiirka Waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Saadaat Maxamed Nuur iyo ku xigeenkiisa oo socdaal ku tegay xarunta Magaalada Garowe ayaa heshiis la saxiixay dhigooda Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise, iyadoo uu heshiiskaasi goobjoog ka ahaa iyo xiriiriyaha Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya iyo maamul Gobaleedyada Cabdi Faarax Siciid (Juxaa).
Labada dhinac ayaa xarunta wasaarada Waxbarasha Puntland ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan siday u wadashaqeyn lahaayeen labada wasaaradood. Xiriiriyaha Waxbarashada Cabdi Faarax Saciid (Juxaa) ayaa sheegay in heshiiskaan aqoon korarsiga ah ee ay wada saxiixdeen wasaarada waxbarashada Puntland iyo K/Galbeed uu yahay iskaashi iyo wadashaqeyn.
Wasiirka Waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed soo dhoweeyay heshiiska isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in heshiis waxbarasho ay la galaan wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland. Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise ayaa madaxada Wasaarada Waxbarashad Koonfur Galbeed uga mahad celiyay booqashada ay ku yimaadeen Puntland, wuxuuna taageeray heshiiska ay gaareen labada dhinac.
SAWIRRO