Tuesday, July 1, 2025

Wasiir aan shaacin is-casilaadiisa oo la guddoonsiiyey Shahaadada Musharaxnimada Guddoomiyaha Baarlamaanka

Guddiga Qabanqaabada Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shahaadada aqoonsiga musharaxnimo guddoonsiiyey wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Macdanta iyo Kheyraadka Biyaha Prof. Saalim Caliyow Ibrow ayaa ka mid noqday shan musharax oo shalay guddiga doorashada ay sheegeen inay buuxiyeen shuruudihii xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ka mid tahay inuu iska casilay xilkii uu xukuumadda ka hayey.

Wasiir Saalim Caliyow oo ah nin aqoonyahan ah ayaa la sheegay inuu Ra’iisal wasaare Kheyre shalay u geeyay istiqaaladiisa, isagoo dhinaca kale aan saxaafadda la hadlin, isla markaana aan shaacin inuu is casilay.

Waa wasiirkii ugu horeeyay ee xil wasiir ka haya xukuumada oo isu casilay tartanka xilka guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana hore isu casilay wasiiru dowle iyo wasiir ku xigeen u tartamaya xilkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON