Wednesday, July 2, 2025

Wasiir Aden Aw-Hersi: “Albaab danbe ayaan jebinay, meel hal qof qaada ayaan iska sugeynay..”

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Aadan Aw Xersi oo ka mida dadkii ka badbaaday weerarkii xalay Alshabaab ku qaadeen Hotelka Villa Rosa ayaa ka hadlay wixii ka dhacay Hotelka.

Wasiirka oo ka mida mas’uuliyiinta degan Hotelka ayaa sheegay inuu qarax weyn ka dhacay Hotelka markii salaadii Cishaha laga baxay, kadibna ay aadeen Albaabka danbe ayna jebiyeen, iyadoo ay ka heleen meel qof kaliya markiiba ka bixi karo, halkaasina ay uga baxeen mid, mid, kadibna ay galeen goob qabuuro ah oo xiran oo mar kale ay kasii baxeen albaab ay jebiyeen.

Wasiir Aw-Xersi wuxuu sheegay inay markii danbe gareen Guriga Guddoomiyaha Aqalka Sare, halkaasina ay salka dhigteen, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo sida weerarku u dhacay ee keentay in la soo gaaro Hotelka ku jira Xeyndaabka Madaxtooyada Qaranka.

Halkan ka dhageyso Wareysiga VOA ee Wasiir Aadan Aw Xirsi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON