Friday, July 4, 2025

Taliska Booliska oo shaaciyey Tirada Alshabaab ee weerartay Hotelka Villa Ros & Qasaaraha

Taliska Booliska Somaaliya ayaa shaaciyey in lasoo gabagabeeyay weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotelka Villa Ros ee saaran xarunta Madaxtooyada Somaliya.

Afhayeenka Booliska Korneyl Sadiiq Aadan Doodishe ayaa Warbaahinta u sheegay in 6 dagaalame ay hotelka weerar ku qaadeen, kuwaas oo midkood uu is qarxiyay, halka 5-tii kale lala galay dagaal dheer oo qaatay muddo 24 saacadood ku dhow, lana toogtay.

Tirada qasaaraha weerarka Hotelka Ros ayuu Afhayeenka Booliska sheegay dhimashada 8 qof oo Hotelka ku jiray oo ay dileen dableyda Alshabaab. Ciidamada Amniga ayuu shegeay inuu ka dhintay askari, shan kalena ay kaga dhaawacmeen howlgalka.

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay weerarka ka dhacay xeyndaabka Madaxtooyada Soomaaliya iyo inay jirto cid loo hayo mas’uuliyadda Amni ee fashilantay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON