Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ka hor akhriyey Aqalka Sare Baarlamaanka Hindise Sharciyeedka Dakhliga guud ee Qaranka, kaasoo hore ay u ansixiyeen Golaha Shacabka.
Wasiirka ayaa sheegay in guulo badan laga gaaray horumarinta Dakhliga iyo Maamulka Maaliyadda, ayna kasoo baxeen shuruudo badan oo loo dhigay maamulka maaliyadda dalka, iyadoo Soomaaliya ay maanta noqotay dal la weydiiyo sida looga baxo xaalada adag ee maaliyadda, maantana ay yihiin dal nool oo la xisaabtami karo dalalka kale.
“184 Dal oo la qiimeeyay ayaa la leeyahay Soomaaliya waa dalka ugu musuqa badan dunida, waxaan iri noo sheega halka aan musuqaas ku noqonay… waxaa la sheego waa wax la iska mala awaalay.. qolada waxaad qortay anigu qoraal ayaan u diray aan ku weydiinayo sida iyo waxa nagu qiimeeyeen… hadda kadib ma aqbaleyno nin meel iska jooga inuu yiraahdo Soomaalida waa musuqmaasuq.. maxkamad ayaan geyneynaa wallaahi bilaahi…” ayuu yiri
Hindise sharciyeedka dakhliga guud ee Qaranka ayuu sheegay in markii la ansixiyey ay diideen maamul Goboleedyada, balse ay dib ugu laabteen oo ay ogolaadeen maamul Goboleedyada markii ay waxyaabo dhowr ah kusoo dareen oo qaarkood muhiim yihiin, wuxuuna ka codsaday in sharcigan oo ku jiro SMP 4 ayna tahay in bishan aakhirkeeda uu saxiixo Madaxweynaha.