Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa weerar kulul ku qaaday Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku maraya degaanada Puntland.
Wasiirka ayaa qoraal uu ku halgaaday Ra’iisal wasaare Kheyre cinwaan uga dhigay: Safarkii Khayre ee “Qaaddo- quuriwaa”, wuxuuna sheegay in ra’iisal wasaare Khayre markii ugu horeysay 18 bilood ayuu booqasho rasmi ah ku yimi Puntland si weyn ayaa loo soo dhoweeyey, basle ay nasiib darro tahay inuu ka baaqsado dhagax dhigga dekadda Garacad.
“Waxay ballantu ahayd inuu dhagax-dhigo dhismaha Dekedda Garacad oo ah dadaal ay bulshada reer Puntland si iskutashi ah u wadday muddo dheer. Nasiibdarro Raysal wasaare Kheyre wuxuu reer Puntland u quuri waayey qaaddo shamiito ah oo dhagax dhig ah..” ayuu farriintiisa ku yiri Cabdi Faarax Juxa.
Wuxuu dhinaca kale Juxa sheegay in la is-weydiinayo wuxuu safarka Kheyre ee Puntland ku saabsanaa iyo waxa uu Madaxweyne Gaas uga bedeshay?.
Cabdi Faarax Juxa ayaa ka mid ahaa wasiiradii uu xilka ka qaaday Ra’iisal wasaare Kheyre, iyadoo markaas kadib uu si weyn u cambaareeyo Ra’iisal wasaarihiisii hore.