Wasiir Dubbe ayaa noqday Senatorkii afraad ee lagu doortay magaalada Muqdisho, wuxuuna tartan adag la galay Senator-kii kursiga difaacanayey.
Waxaa soo dhammaaday Doorashada Kursigii afraad ee Aqalka sare, Senatoorada kasoo jeeda Somaliland ee ka socota xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho.
Kursigan waxaa ku tartamayey Musharixiinta kal aah: Wasiirka warfaafinta xilligan Cismaan Abokor Dubbe iyo Senator Cabdikariim Maxamed Xasan, waxayna natiijadii noqotay, sida soo socota:
1- Cismaan Abukar Dubbe: wuxuu helay 28 Cod
2. Cabdikariim Maxamed Xasan:wuxuu helay 17 cod
Hal cod ayaa xumaaday
Waxaa lagu dhawaaqay inuu Cusmaan Abuukar Dubbe ku guuleystay Doorashadii kursiga Afraad, isagoo noqday senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Waxay ahayd Doorasho aad isugu dhow oo dhowr cod lagu kala baxay.
